Please see our update on the Coronavirus (COVID-19) crisis
Settled Status banner - insecure work

Shaqadaydu waa mid aan xasiloonayn ama aan la hubin

Gudaha UK, ku dhawaad sagaalkiiba hal shaqaale ayaa ku jira shaqo aan xasiloonayn. Tan waxaa ka mid ah iskaa-u-shaqeyste mushaharkiisu hooseeyo, shaqo qandaraaskeedu yahay saacado-eber ah (zero-hour contract) ama shaqo hay’ad. Kuwo badan ayaa ka shaqeeya waxa loogu yeero dhaqaalaha-weyn (gig-economy), waxay ku tiirsan yihiin apps si ay u sugaan ‘gigs’, ama howlo gaarsiin ah oo gaa-gaaban.

Waxaa laga yaabaa inaadan heysan heshiis shaqo oo adag ama Lambarka Ceymiska Qaranka (NIN). Waxaa laga yaabaa inaad caadiyan guri aad la wadaagto dad kale uga guurtid mid kale, aadanna heysan akoon bangi.

Iyadoo aan loo eegayn shaqada aan la hubin, tani macnaheedu waxay tahay inay kugu adkaan karto in aad keento caddeyn degganaanshahaaga ee UK.

Waa kuwaan taalaabooyinka ugu horeeya ee la qaadi karo:

  1. Hubso in baasaboorkaaga ama dukumiintiyadaada Aqoonsigu ay cusbooneysiisan yihiin kahor intaadan bilaabin codsiga. Haddii aadan haysan dukumiinti aqoonsi oo ansaxa, fadlan si deg deg ah ula xiriir safaaradda ama qunsuliyadda si aad u hesho baasaboor cusub ama kaarka Aqoonsiga;
  2. Soo uruuri caddeyn kasta oo deganaansho ah oo aad heli karto tan iyo markii aad u soo guurtay UK, oo ay ku jiraan biilasha, heshiisyada kiraysiga ama dukumiintiga safarka. Hadaad rabtid liiska buuxa, ka tixraac liiska hubinta ee Xafiiska Arrimaha Gudaha.
  3. La xiriir loo shaqeeyahaaga (yaashaada) si aad u hesho warqadaha mushaarka.

Haddii ay kugu adag tahay helitaanka kombiyuutarka, waxaad isku dayi kartaa inaad mid ka hesho maktabada maxalliga ah, ama adeegga Cawimaadda Internetka ayaa kaa caawin kara.

Haddii aad hayso wax su’aal ah ama walaac ah oo ku saabsan dhinaca sharciga ee xaaladdaada socdaalka, waxaan kugula talineynaa inaad la xiriirto jaalkeena samafalka ah Here for Good:

...

Ururada shaqaalaha.

Wixii talooyin siyaadaa oo la xiriira xaaladda socdaalkaaga, waxaan kuu soo jeedinaynaa inaad la xiriirto ururka shaqaalaha ku habboon.