Please see our update on the Coronavirus (COVID-19) crisis
Settled Status banner - outside the EU (non-EU)

Waxaan ka imid meel ka baxsan EU

Hadaad ka timid meel ka baxsan EU, waxaa laga yaabaa inaad codsato hadaad:

  • aad tahay xubin ka mid ah qoyska muwaadin EU, EEA ama muwaadin Iswiss ah;
  • aad tahay xubin ka mid ah qoyska muwaadin Ingiriis ah, isla markaana aad iskula noolaydeen si wadajira meel ka baxsan UK ee waddan EEA ka mid ah;
  • aad tahay xubin ka mid ah qoyska muwaadin British ah oo sidoo kale haysta dhalashada EU, EEA ama muwaadin Iswiss oo ku noolaa UK asagoo ah EU, EEA ama muwaadinnimo Iswiss ka hor intuusan qaadan dhalashada Ingiriiska;
  • aad hore u lahayd EU, EEA ama xubin qoys ee Iswiss ah oo ku nool UK;
  • aad tahay daryeelaha koowaad ee muwaadin Ingiriisa, EU, EEA ama Iswiss ah;
  • aad tahay ilmaha muwaadin EU, EEA ama Swiss ah oo ku noolaa, kana shaqaysta UK, ama daryeelaha koowaad ee ilmaha.

Hadaad tahay mid ka mida qaybahaan, waxaad ka heli kartaa macluumaad kaa haga saad u codsan lahayd boggagan.

Waxaa laga yaabaa inaad ka heshid macluumaad luqaddaada ku qoran halkan: EU Londoners Hub.

Haddii aadan ka mid ahayn qaybahaan, uma badna inaad xaq u leedahay inaad codsato EUSS, waxaanse kuu soo jeedineynaa inaad la xiriirto la-Taliyaha socdaalka ee OISC si uu u hubiyo xaaladdaada.

Ururada laga yaabo inay bixiyaan talo iyo taageero waa:

Golaha Wadajirka ah ee Daryeelka dadka Soogalootiga, Golaha Qaxootiga ee Welsh, Socdaalka Scotland, Iskaashiga Istiraatiijiga Socdaalka ee Waqooyiga Ayrland (Joint Council for the Welfare of Immigrants Welsh Refugee Council Migration Scotland Northern Ireland Strategic Migration Partnership)

Waxaa kale oo laga yaabaa inaad rabto inaad la xiriirto Qunsuliyadda Safaaradda si aad u weydiisatid hagitaankooda ugu dambeeyay.

...