Settled Status home image

Xaaladda Deggan iyo adiga

Hadaad tahay

 

  • Muwaadin EU ama Noorway, Ayslaan (Iceland), Liechtenstein ama Iswisserlaan (Switzerland)
  • Kuna nooshahay UK

 

waa inaad codsataa xaalad socdaal ee cusub hadaad rabtid inaad sii joogtid UK kaddib markay ka baxdo EU.

Laga yaabo inaad ka warqabtid arrintan, lakiin aad dareensan tahay inay kugu adag tahay xagga marin helidda nidaamka codsiga.

Sidoo kale waxaa laga yaabaa inaad isku dayaysid inaad caawiso qof ay soo wajaheen dhibaatooyinkan.

Deggan waa hay’ad samafal oo cusub, howshooduna ay tahay hanuunin, wargelin iyo caawin muwaadiniinta EU ee halista ugu jira in laga tago, duruufaha nololeed ee gaarka ah awgeed.

Yay Saameysay?

Muwaadiniinta EU ee ay saameysay waa kuwa u dhashay:

27da waddan ee EU:

Oostariya, Beljamka, Bulgariya, kruwesiya, Jamhuuriyadda Qubrus, Jmahuuriyadda Jek , Danmark, Istoniya, Fiinlaan, Fransiiska, Jarmalka, Giriiga, Hungariya, Ayrlaan, Italiya, Latviya, Lithiweniya, Luksambur, Malta, Nederlaan, Polaan, Boortaqiiska, Romaniya, Islofakiya, Islofeniya, Isbaanishka iyo Iswiidan.

iyo waddamada EEA: Noorway, Ayslaan, Liechtenstein
iyo: Iswisarlaan.

Ku saabsan Xaaladda Deggan: Maxaan ugu baahanahay inaan codsado inaan joogo UK?